Hawlgallo ay iska kaashadeen Hay’addaha Xoojinta ee dalalka Faransiiska iyo Holland iyo Hay’adda Boliska Europe ee Europol ayaa lagu soo waramay inay bishan 6-dii iyo 7-dii ku soo qabteen 8 Mukhalasiin Soomaali ah, kuwaasi oo lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Shabakad dadka tahriibisa, taasi oo ku-dhawaad 500 OO qof ka soo qaaday Somalia, isla markaana keenay dalal ka tirsan Europe.
8 Eedeysane ayaa lagu qabtay magaallooyinka Strasbourg, Modane iyo Paris ee dalka Faransiiska, iyadoo Mukhalas kale laga soo qabtay magaalladda Geleen ee dalka Holland.
Shabakadaasi waxaa ku jira Muwaadiniin Soomaali badankooda deggan dalalka Faransiiska iyo Talyaaniga, kuwaasi oo la sheegay inay mas’uul ka yihiin Muhaajiriinta Soomaalida ka imaanaya Talyaaniga, kuwaasi oo loo kala gudbiyo dalalka Belgium, Netherlandd, France, Germany iyo kuwa kale ee ku yaalla Waqooyiga Europe.
Qaar ka mid ah Muhaajiriinta ayaa la sheegay in gawaari. Tareeno iyo Basas lagu soo kaxeeyey, halka kuwo kalena si toos ah looga keeno Somalia, iyagoo isticmaalaya Dukumentiyo been abuur ah, Transit ahaanna u soo mara dalal ku yaalla Qaaradda Asia.
©Radio Dalsan