Wakaalladda Wararka Sishilis (Seychelles News Agency) ayaa shaacisay in Maxkamadda ugu sarreysa dalkaasi ay shalay xukmisay inaan wax caddayn ah lagu haynin 5 Dhallinyaro Somali oo loo haystay inay faraha kula jireen falalka Burcad-baddeednimo.
5-ta Eedeysane waxay rafcaan ka qaateen Xukunkii bishii June ee sannadkan ay Maxakmadda Sare ku xukuntay min 12-sanno, kadib, markii lagu helay Burcad-baddeednimo.
Eedeysanayaasha ayaa loo haystaa inay weerareen dooni iyo inay Shaqaale Hinddi ah afduubteen iyo inay Doonidaasi u adeegsadaeen Markab Burcad-baddeed lagu weeraro Maraakiibka Xamuulka.
Eedeysanayaasha waxaa qabtay Ciiddan la socday Markab Dagaal oo laga leeyahay Faransiiska, iyadoo bishii Janaayo 30-dii ee sannadkii 2014-kii loo soo gacan geliyey Dowladda Sishilis.
Dhinaca kale, Garsoore Anthony Fernando oo ka tirsan Maxkamadda Rafcaanka ee dalkaasi ayaa shalay sheegay inaysan haynin caddaymo muujinaya Dembiyadda lagu soo oogay.
Wuxuuna amray in sida ugu dhaqsaha badan loogu celiyo Somalia.
Xigasho: Seychelles News Agency
©Radio Dalsan