Maxkamadda magaalladda Bereshiya ee Waqooyiga Talyaaniga waxaa la soo taagay Mukhalas Soomaali ah oo lagu magacaabo Ali Cawil Khadar iyo Nin u dhashay dalka Syria oo lagu magacaabo Calaali Fawaaw oo la rumeysan yahay inuu ka mid ahaa Saraakiisha Kooxda Daacish.
Ninkaasi waxaa bishii November ee sannadkii hore la qabtay isagoo Baasaboor Macamal ah kaga dhoofi lahaa Garoonka Bergamo ee Talyaaniga,kuna sii jeeday Jesiiradda Malta.
Baarayaasha Boliska Talyaaniga ayaa sheegay inuu Ninkaasi ka tirsan Boliska Kooxda Daacish,ka hor inta uusan u soo tahriibin Talyaaniga.
Dhinaca kale, Mukhalaska Soomaalida ee lagu magacaabo Ali Cawil Khadar oo 31 jir ayaa la xiray bishii hore, kadib, markii lagu soo oogay inuu gacan siiyey Tahriibayaal iyo dad lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Argagixisadda Caalamiga.
Boliska Talyaaniga ayaa sheegay in Mukhalaska Soomaalida taageeroLoojistiko ah siiyey 4 qof oo u dhalatay dalka Syria, kuwaasi oo bishii November ee sannadkii hore lagu qabtay iyagoo Baasabooro Macmal ah ugu dhooffi lahaa Malta.
Warbaahinta Talyaaniga waxay kaloo qoreen in Mukhalaska Soomaalida ee Ali Cawil Khadar la rumeysan yahay inuu lafdhabar u yahay Mukhalasiinta dadka u soo tahriibiya Talyaaniga, isla markaan uu in ka badan 20 qof oo badankodoa ahaa Somali iyo Syrian u tahriibiyey Jesiiradda Malta.
Warbaahinta Talyaaniga waxay kaloo sheegeen inay Boliska ka soo heleen guriga uu deganaa Mukhalaska Dukumentiyadda ay ku safraan Qaxootiga magangelyada siyaasadeed laga siiyey Malta iyo Baasaboor Maltese la been abuuray.
©Radio Dalsan