Muhaajiriin Somali ah oo bilihii la soo dhaafay gaaray Talyaaniga

Tobankii bilood ee ugu horreeyey sannadkan 2018-kii,waxaa la diiwaan geliyey inay 3,346 carruur aan lala soconin iyo dhallinyaro aan weli qaan gaarin ayaa la sheegay inay doonyo ku galeen Talyaaniga.
Shabakadda Reliefweb ayaa qortay in carruurtaasi oo ka soo kala jeeda Qaaradda Afrika iyo dalka Pakistan ay si nabad ah ku tageen Talyaaniga muddadii u dhexeysay Bishii Janaayo ilaa October ee sannadkan.
Tiradaasi ayaa la sheegay inay aad uga hooseyso marka loo eego tiradii sannadki ihore caga-dhigtay Xeebaha Talyaaniga.
Tiradda Carruurta aysan ehelkooda ama waalidkooda la soconin  iyo dhallinyarada aan qaan-garain ee ka soo jeeda Somalia ee sannadkan tahriibka dhinaca Badda ku galay Talyaaniga waxaa  lagu sheegay 137 qof.
Tiro-koob ay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga soo saartay  waxaa lagu soo bandhigay inay 137  carruur iyo dhalinyaro aan qaan-gaarin oo Somali sannadkan gaareen dalka Talyaaniga.
Liiska waxaa kaloo lagu xusay inay carruur iyo dhallinyaro aan qaan-gaarin oo ka kala socda dalal ay ka mid yihiin Eritrea, Sudan, Tunisia, Nigeria iyo Algeria ay tobankii bilood ee ugu horreysay sannadkan tahriib ku gaareen Xeebaha Talyaaniga.
Si kastaba ha ahaatee,  Hay’adda UNHCR ma soo bandhigin tiradda carruurta iyo dadka aan qaan-gaarin ee   ee sannadkan ku geeriyooday, iyagoo u tahriibaya Talyaaniga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media