Afhayeenka Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM ayaa sheegtay in 22 Tahriibayaal ah lagu dilay, iyadoo in ka badan 100-kalena lagu dhaawacay iska horimaad maanta dhex maray Kooxo Mukhalasiin Liibiyaan ah.
Afhayeenka oo lagu magacaabo Joel Millman ayaa Suxufiyiinta ugu sheegay magaalladda Geneva ee dalka Switzerland inuu dagaalku maanta ka dhacay Xeebta Badda Mediteranean Sea, iyadoo Muhaajiriin la dilay ahaayeen dad ka soo jeeda dalalka ka hooseeya Lama-degaanka Saxaraha Afrika,.
Toogashaddan ayaa timid, iyadoo maydadka 140 Muhaajiriin ah laga helay Xeebaha Libya.
©Radio Dalsan