Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Sareeye Guuto Maxamed Aden Buud, oo goor dhoweyd shir Jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in isaga oo fulinaya amarka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaaj ay ciidamda ay soo xireen askarigi shalay dilka bareer ah u geeystay wiil dhalin faro ahaa oo marayey Zope xili uu watay gaari nuuca raaxada ah .
Taliyuhu ayaa sheegay in askarigaas sharciga loo horkeeni doono si deg deg ah oo aan daags lachen.
Talaabadan ayaa noqoneysa mid dhiiragalisa in askarta ayran ku deg degin dilka dadka rayidka ah o waayadi u dambeysay caadeysteen ciidamada gawaarida hubeysan saaran