Dhallinyaro Soomaali oo si sharci-darro ku joogtay Kenya oo la soo maxkamadeeyey

18 Muwaadiniin Somali ah oo ay ku jireen 3 qof oo an qaan gaarin ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla magaaladda Mombasa ee dalka Kenya, iyagoo lagu soo oogay inay si sharci darro ah ku joogeen dalkasi.

Dadkaasi oo badankooda haween ahaa, waxay beeniyeen dacwadd lagu soo oogay, wxayna Maxkamaddu amartay in lagu sii hayo Xabsiga ilaa warbixin laga helayo Xoghaynta Hay’adda u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga.

Garyaqaanka Eedeysanayaasha oo lagu magacaabo Nyange Sharia ayaa ugu baaqay Maxkamadda inay Eedeysanayaasha ku wareejiyaan Waaxda Arrimaha Qaxootiga.

Dhinaca kale, Saddexda qof ee aan qaan-gaarin ayaa loo gubdiyey Guriga Carruurta ee Deegaanka Likoni si loo baaro da’dooda.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media