12 qof ayaa k u geeriyootay, 20-kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii uu la qalibmay Gaari Bas oo ay la socdeen Bariga dalka Turkiga.
Wakaalladda Wararka Turkiga ee ANADOLUNEWS AGENCY ayaa sheegtay inuu Baska xalay ku qalibmay meel Tog ah oo u dhow Degmadda Yumakli ee Gobalka Van , kadibna uu dab ka kacay Baska ay Muhaajiriinta la socdeen.
Telefishinada dalka Turkiga waxay soo bandhigeen Muuqaalada dadka Muhaajiriinta oo lagu daawaynayo hareeraha waddada, halka ay Kooxaha Gurmadka ay maydadka ka soo bixinayeen gudaha gaariga ku gubtay.
Lama shaacinin dalalka ay ka soo jeedaan Muhaajiriinta ku geeriyootay iyo kuwa ku dhaawacmay Shilka ka dhacay Bariga Turkiga.