Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta yeeshay kal-fadhiga 2-aad ee kulankiisa 25-aad uuna shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dr. Maxamed Nuur Gacal, ayna wehlinaayeen labadiisa ku-xigeen.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa uu ahaa Akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka nootaayada Galmudug iyo Akhrsinta 3-aad Hindise sharciyeedka Khidmadaha & Kalluumeysiga Badda Galmudug.
Golaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug kulankoodii maanta ku ansixiyay Hindise Sharciyeedka Khidmadaha & Ujuurooyinka Kalluumeysiga Badda Galmudug.
Wasaarada Dekadaha iyo kalluumaysi ayaa Golaha Baarlamaanka Galmudug uga mahadcelisay ansixinta Hindise sharciyeedka Khidmadaha iyo Kalluumeysiga Badda Galmudug, madaama sharcigaa wasaaraddu iyadu ay soo diyaarisay una soo gudbisay Golaha Baarlamaanka.
Dhinaca kale Golaha Baarlamaanka ayaa maanta ka dooday Hindise sharciyeedka Nootaayada Galmudug, Gudiga Garsoorka, Awqaafta iyo arimaha Diinta Baarlamaanka Galmudug ayaa Golaha qodob qodob uga hor aqriyay qodobada ay isbadal ku sameeyeen ee kujiray Sharcigaan Nootaayada Galmudug…..