Maxamed Axmed Nuur Tarsan la taliyaha dhanka Siyaasada Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo Saxaafada kula hadlayay Magaalada Muqdisho kadib weerarkii lagu qaaday hotelka Naasa Hablood 2 ee Magaalada Muqdisho ayaa hadalkaan Maanta sheegay.
Tarsan ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee sababta qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho ay sabab u yihiin Xaasaska ay qabaan Al-Shabaab Saraakiishooda ee ku Nool Gudaha Magaalada Muqdisho Hay’addaha amnigana looga baahan yahay in Magaalada ayu ka saaraan maadaama ay ihiin Jaajuus sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in Al-Shabaab sida kaliya ee looga  adkaan karto ay tahay in tallaabo kasta ay qaadaan laga daba qaado islamarkaana Meydkooda wadooyinka qaar la suro.
Xiliga uu sheegayay Warkaan Tarsan ayaa wajigiisa waxaa laga dheehan kara caro aad u weyn ee uu ka qaaday weeraradii qaraxyada ahaa ee ka dhacay Muqdisho kuwaas oo waxyeelo farabadan ay ka soo gaartay dad Shacab ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka Maxamed Axmed Nuur Tarsan.