Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ku wargelisay in muddo kordhin lagu sameeyay waqtigii mudada hakinta qabashada codsiyada baasaboorka Soomaaliya.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa muddo saddex maalin ah ku kordhisay waqtigii la hakiyay qabashada codsiyada baasaboorka,taasi oo ka bilaabaneysay 14, 2019 kuna ekeed September 21, 2019.
War qoraal oo la soo dhigay barta rasmiga ee Facebook ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda ayaa waxaa lagu shaaciyay in Howlo farsamo oo weli ka socda habka bixinta Baasaboorka awgood mudadii hakinta qabashada codsiyada baasaboorka lagu kordhiyey 3 maalin.
“Howlo farsamo oo weli ka socda habka bixinta Baasaboorka awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudadii hakinta qabashada codsiyada baasaboorka lagu kordhiyey 3 maalin, waxayna qabashada codsiyadu dib u bilaaban doonaan maalinimada Arbacada ah, taariikhduna tahey September 25, 2019’ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Hay’adda Socdaalka.