Mudanaha aqlabiyadda ku leh Barlamaanka Kenya oo sheegay inuu kaalin ku lahaa qaadista Xayiraadii Qaadka.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo taageero badan ku dhex leh Barlamaanka Kenya ayaa ka shanqariyey inuu Galaangal u galay sidii ay Dowladda Federalka Somalia u qaadi lahayd xayiraaddii la saaray Qaadka laga keeno Kenya.

Aadan Barre Ducaale oo ah Xildhibaanka laga soo doorto Degmadda Garissa ayaa sheegay inuu ka mid ahaa Wafdigii Madaxweyne Uhuru Kenya ku wehliyey safarkii uu ku yimid Muqdisho ee loogu ololeynayney sidii ay Dowladda Federalka Somalia u qaadi lahayd Xayiraadda la saaray Qaadka laga keeni jirey Kenya.

aadan-barre-ducaaleDhinaca kale, Xildhibaan Ducaale waxa uu ugu baaqay Guddoomiyaha Gobalka Meru, Peter Munya inuu ku soo biiro Xisbiga Jubilee Party (JP) ee haya Talada Kenya, si uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta mar kale uu ugu guuleysto Doorashadda Madaxtinimadda ee dhici doonta sannadka soo socda ee 2017-ka.

Waxa kale oo uu ugu baaqay dadka ku nool Gobalka Meru  inay taageeraan Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Xisbiga si loo mideeyo dadka Reer Kenya.

Sidoo kale, Xiuldhibaan Aadan Barre Ducaale waxa uu ku eedeeyey Hoggaamiyaha Isbahaysiga CORD, Raila Odinga inuu faragelin ku hayo Arrimaha Xisbiga Jubilee Party

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor