Afhayeenka Congresska Maraykanka Nancy Pilosy ayaa shaaca ka qaadday in si rasmi ah uu u bilowday baarista lagu sameynayo Madaxweynaha Maraykanka iyo eedo sheegaya in dawladdo shisheeyey gargaar ka raadsaday, si ay uga caawiyaan dib u doorashadiisa sanadka 2020ka.
Pelosi ayaa hadalkan shaaca ka qaadday ka dib markii ay hogaamiyeyaasha xisbiga Dimoqraadiga kula kulantay Aqalka Baarlamaanka. Tirada dimoqraadiyiinta ah ee doonaya in madaxweynaha xilka laga qaado ayaa tiradoodu sii badanaysaa.
Pilosi ayaa Trump ku eedaysay in khayaameeyey dhaartii uu xafiiska u qaaday, amniga qaranka Maraykanka iyo amniga doorashada Maraykanka.