HomeCaalamkaCarruur ku summoobay Indho-kuul ay marsadeen

Carruur ku summoobay Indho-kuul ay marsadeen

Date:

Related stories

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

AI oo EU Ku Riixday Xeerar Cusub

Midowga Yurub ayaa soo jeediyay xeerar cusub oo xarumaha xogta waaweyn looga baahanayo inay shaaciyaan isticmaalka korontada iyo biyaha, iyadoo kororka AI uu kordhinayo baahida xarumaha xogta.

Jeneraalka Ruushka ee “Hero of Russia” oo Drone Lagu Dilay

Jeneraal Anton Grunis, oo ahaa taliye sare oo ka tirsan ciidamada Ruushka, ayaa lagu dilay weerar drone ah oo ka dhacay gobolka Donetsk, sida ay sheegeen ciidamada Ukraine.

Illaa 3 carruur ah ayaa isbitaalka la dhigay dalka Australia kadib markii ay isticmaaleen indha-kuul summaysan oo lagu sameeyay dalka Pakistan. Saraakiisha caafimaadka ayaa indha-kuusha ka heley maadada Lead-ka loo yaqaan , waxayna ku jirtaa xad dhan 84% boqolkiiba, waxaa kale oo ku badan biro halis ah. Dowladda waxa ay sheegtay in si sharci ah […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Illaa 3 carruur ah ayaa isbitaalka la dhigay dalka Australia kadib markii ay isticmaaleen indha-kuul summaysan oo lagu sameeyay dalka Pakistan.

Saraakiisha caafimaadka ayaa indha-kuusha ka heley maadada Lead-ka loo yaqaan , waxayna ku jirtaa xad dhan 84% boqolkiiba, waxaa kale oo ku badan biro halis ah.

- Advertisement -

Dowladda waxa ay sheegtay in si sharci ah loogu dhoofiyay dalkaas, balse macluumaadka dusha kaga qoran baakadka alaabta ayaa ah mid aanan sidii saxda ahayn aanan loo qorin.

Alaabaha ay soo saarto shirkadda Hashmi ayaa laga mamnuucay dalka Maraykanka, waxaana horey u jiray digniino horey ay dalal kale uga soo saareen.

Dadka reer Australia ayaa loo sheegay in ay joojiyaan isticmaalka alaabaha la’isku qurxiyo ee shirkadda Hashmi oo ay indha-kuusha ka mid tahay.

- Advertisement -

Maaddooyinka kale ee caafimaadka halista ku ah ee alaabahan laga heley waxaa ka mid ah Arsenic, cadmium, chromium, iyo mercury, kuwaas oo dhammaantood ah curiyeyaal biro iyo waxyaabo kale isugu jira, kuwaas oo aanan loogu talogalin isticmaalka bini’aadamka si aanan habboonayn.

Maadada Lead-ka ayaa waxa ay keentaa halis dhinaca maskaxda iyo kilyaha ah, gaar ahaan carruurta, xitaa haddii xad aad u yar ay ka isticmaalaan.

Shirkadaha ku xad gudba jaangooyada caafimaad waxa ay wajigi karaan illaa $800,000 kun oo ganaax ah gudaha dalka Australia.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts