Afhayeenka Milliteriga Kenya, Kolonel David Obonyo  waxa uu gaashaanka ku dhuftay Warbixintii Kormeerayaasha QM ee Cunaqabataynta Hubka ee Somalia ( dhawaan ku sheegeen inay Ciiddanka Kenya ku lug leeyihiin Shixnadaha Dhuxusha ee laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo iyo Buur-gaabo ee Gobalka J/hoose.
Waxa uu intaasi ku daray in waxa uu ku dooday inaysan Guddiga QM marnaba booqasho ku tegin Deegaanadda ay ka hawl-galaan Ciiddanka Kenya ee ku sugan Somalia.
Kolonel David Obonyo  waxa kale oo uu tilmaamay in Warbixinta Baarayaasha QM dhawaan soo saareen la mid tahay kuwii ay Guddigaasi soo saareen tan iyo sannadkii 2011-kii, waa sida uu hadalka u dhigay.
:Ciiddanka Kenya ma maamulaan Hawlaha Dekedda Kismaayo, waxay ka hoso shaqeeyaan DFS iyo Maamulka Jubbaland†ayuu yiri Afhayeenka Milliteriga Kenya.
Waxa uu intaasi ku daray inaysan  Ciiddamkooda u joogin Somalia inay ka sameeyaan Ganacsi, balse ay u joogaan inay xoojiyaan Awoodaha Ciiddanka AMISOM.
Hadalka Afhayeenka Milliteriga Kenya ayaa ku soo beegmay maalmo kadib, markii ay ay Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea ((SEMG)Â ku sheegeen inay Ciiddanka Kenya iyo Alshabaab Malaayiin Dollar ka macaashaan Dhuxusah laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo iyo Buur-gaabo.
Warbixinta waxay ku boorisay Xafiiska QM ugu qaabilsan Ka-hortaga Dembiyadda iyo Daroogada inay sii wadaan Shaqadooda iyagoo la kaashanaya DFS.