Akhriso:-Madaxweyne Siciid Deni oo maamul Cusub u magacaabay Gobolka Mudug

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 27 May 25, 2019, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Guddoomiye Ku-xigeenada Gobolka Mudug.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo waaya aragnimadooda shaqo

Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa Axmed Muuse Nuur loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug.-

2.Waxaa Xasan Cabdullaahi Warsame (Wardheere) loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Mudug.

3.Waxaa Maxamed Xasan Xuseen (Waloore) loo magacaabay Guddoomiye Ku- Xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug.

4.Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media