Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Doontii saakay Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo dad shacab ahaa kula gadoontay Fatahaada ka dhalatay Biyaha Wabiga Shabeelle.
Doonta ku rogmatay Biyaha Webiga ayaa waxaa la socday Duqa Degmada Baladweyne Safiyo Xasan Cali Jimcaale, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Afrax, La Taliyaha arrimaha Haweenka ee Madaxweynaha Hirshabeelle iyo dad kale oo shacab ahaa.
Duqa Degmada Baladweyne Safiyo Xasan, Guddoomiyihii hore ee Hiiraan Cabdifitaax Afrax iyo dad kale oo shacab ahaa oo la socday Doonta ayaa laga soo badbaaday Biyaha Wabiga Shabeelle, kadib gurmad loo sameeyay.
Dhinaca kale waxaa la xaqiijiyay inay geeriyootay Dahabo Axmed oo aheyd La Taliyaha arrimaha Haweenka ee Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, taasi oo la socotay doontii ku gadoontay Fatahaada ka dhalatay Biyaha Wabiga Shabeelle, isla markaana waxaa weli la la’yahay dad kale oo saarnaa Doonta, iyadoona uu socdo gurmad baadi goob ah.
Mas’uuliyiintan Maanta Doonta kula degtay Baladweyne ayaa kusii jeeday deegaanka Ceel-Jeelle oo ku yaalla duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku barakaceen dadkii kunoolaa Baladweyne.
Magaalada Baladweyne ayaa waxaa saameyn weyn ku yeeshay Fatahaada uu sameeyay Webiga Shabeelle oo biyo badan dhigay Xaafadaha ay kooban tahay Magaalada,