Mid kamid ah Ergada soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka oo lagu dilay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo hubeysan oo gelinkii dambe ee Maanta gudaha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku dilay Nabadoon Caan ahaa.

Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Fagax ee Degmada Yaaqshiid,isla markaana waxaa loo geystay Nabadoonka oo kamid Ergada soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Maamulka Hirshabeelle.

Qof goobjooge oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ay toogteen Ninkaas xili uu ku sugnaa Masjid ku yaalla halkaas.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Ibraahim Cariif iyadoo goobta si deg deg ah ay uga baxsadeen kooxihii ka dambeeyay dilkaas.

Ehelada Marxuumka ayaa gaaray Masjida uu falkan ka dhex dhacay,isla markaana ka soo qaaday Meydka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa tegay halkaasi,iyagoona sida caadada u aheyd sameeyay baaritaano la xiriira dilka,hayeeshee kuma guuleysan in ay soo qabtaan raggii geystay.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ku sheegteen Mas’uuliyada dilkii gelinkii dambe ee Maanta loo geystay mid kamid ahaa Ergada soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Hirshabeelle.

Comments
Loading...