Duqa Muqdisho oo shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiye kuxigeenka howlaha guud

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa shaqo joojin waxaa uu ku sameeyay Guddoomiye kuxigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa shaqada looga joojiyay Aadan Sheekh Cali Fiidow,waxaana shaqada laga joojiyay ilaa iyo amar dambe.

Sababta shaqo joojinta Sheekh Cali Fiidow ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay,kadib markii uu shaqadii ka joojiyay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Engineeriyadda,isagoo aan kala tashan Guddoomiye Yariisow.

Sidoo kale Wareegtadan ayaa waxaa la Ogeysiiyay Xoghayaha Gobolka Banaadir,Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka,Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo.

 Hoos ka Akhriso Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media