Mid ka mid ah Xisbiyada siyaasadda ee ka jira maamul Goboleedka Puntland ayaa soo saaray War-murtiyeed ay ku taageerayaan shirkii Dhuusamareeb lagu soo gaba-gabeeyay ee lagu gao’aamiyay nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa.
Xisbiga Mideeye oo ka mid ah Xisbiyada siyaasadda ka diiwan gashan Puntland ayaa sheegay in aysoo dhaweynayaan qodobada kasoo baxay shirkaas, waxaana uu ku baaqay Xisbigu in madaxdii ku shiray Dhuusamareeb ay tallaabo wanaagsan qaadeen taasoo ah in doorasho iyo Isfahan guud ay ku heshiiyeen.
Dhanka kale waxaa Xisbigu uu baaq u diray madaxda ka maqnaa shirkaas oo ay ka mid yihiin Puntland iyo Jubland, waxaana uu labada Maamul loogu baaqay in ay qayb ka noqdaan oo ay ku qancan heshiiskii la gaaray.
Hoos ka aqriso war-murtiyeedka