Maxamed Xasan Maxamed ahaa wasiirkii wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Jubbaland ayaa xilka qaadis lagu sameeyay, kadib eed loo jeediyay wasiirka.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa shaqo ka joojin lagu sameeyay Wasiirka, waxaana warqadda lagu xusay ku Takri fal Maaliyadeed oo aan nidaamka maaliyada Jubbaland waafaqsanayn.