Xafiiska Hay’adda Muhaajiriinta Caalamka ee Somalia waxay shaaciyeen in mid ka mid ah Shaqaalahooda oo la oran jirey C/fataax Maxamed Cabdow ku geeriyooday Weerarkii ay Alshabaab ka geysteen Hotelka Madiina (Ex-cascasey) ee magaalladda Kismaayo.
Twitterka Xafisika IOM ee Somalia waxaa lagu qoray inay aad uga tiiraanyeysan yihiin inay waayaan mid ka mid Saaxiibadooda ay ka wada shaqeeyaan Somalia.
Qoraalka waxaa kaloo lagu xusay inay Tacsi u dirayaan qoysaskii ay dadka kaga geeriyoodeen weerarkii ka dhacay Kismaayo, kaasi oo ahaa weerarkii ugu khasaaraha badan ee ka dhaca magaalladaasi tan iyo markii ay Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Kenya kala wareegeen Dagaalamayaasha Alshabaab magaalladda Kismaayo sannadkii 2012-kii.
Dhinaca kale, Hawelwadeen kale oo u shaqeyn jirey Hay’adda aan Dowliga ahayn ee Sado Somalia ayaa ka mid ahaa 26-kii qof ee ku geeriyootay weerarkii ka dhacay Hotelka Madiina ee magaalladda Kismaayo.
Twitterka Hay’adda NGO-ga ee Sado Somalia ayaa lagu sheegay uin Agaasimihii fulinta ee Hay’addaasi, C/llaahi Ciise Cabdulle lagu dilay weerarkii Kismaayo.
Marxuumka waxa uu horey ugu noolaan jirey Bartamaha Gobalka Ohio ee dalka Maraykanka, wuxuuna ka qalin jebiyey Jaamacadda The Ohio State University, wuxuuna ka shaqeyn jirey sidii loo hagaajin lahaa Nolosha dadka ku nool gudaha Somalia.
C/risaaq Axmed oo la soo shaqeeyey Marxuumka ayaa sheegay inuu mar kasta u sheegi jirey inay Somalia maalin uun noqon doonto dal Nadoon oo aad u qurux badan.
C/risaaq Axmed oo la hadlay Telefishinka WBNS 10TV ee Maraykanka waxa kale oo uu xusay inuu Marxuum C/llaahi Ciise Cabdullehad iyo jeer ogaa inay khatar tahay inuu ku laabto Somalia, balse uu ku laabtay, kuna geeriyooday.
Si kastaba ha ahaatee, Weerarkii Hotelka Mdaiina ee Kismaayo waxaa ku geeriyootay ku-dhawaad 30-qof oo ay ku jireen Suxufiyiin, Siyaasiyiin, Xildhibaano hore, Shaqaale Samafal iyo dad kale oo muhiim u ahaa Bulshadda.