Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho ayaa Goordhow waxaa laga soo dejiyay Meydka Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng.Yariisow oo laga keenay dalka Qatar.
Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ku sugan Guddiga qabanqaabada Aaska Eng. Yariisow iyo boqolaal shacab ah,kuwaasi oo Meydka ku sugayay Garoonka diyaaradaha.
Sidoo kale waxaa halkaas ku sugan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Ra’iisul Wasaare Kheyre,Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee dalka iyo Mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dowladda,isla markaana waxaa Garoonka lagula tukanayaa Salaada Janaasada Meydka Guddoomiye Yariisow.
Aas heer qaran ah ayaa Magaalada Muqdisho loogu sameeyn doonaa Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng.Yariisow oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax ka dhacy Xarunta Gobolka Banaadir.