Kursigii uu banneeyey Xildhibaan Dooba-daareed oo la buuxiyay

Kalfadhiga 46-aad, Fadhiga 2-aad ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta looga hadlay soo gudbinta Ajandaha Qabyada ah ee Kalfadhiga 46-aad sidoo kalena looga hadlay soo jeedinta Ka mid noqosho xubbimo Golaha Wakiillada DPL.

Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Goluhu

MARKAY ARKEEN: Qodobka 62.3-aad farqadiisa 6-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

MARKAY ARKEEN: Go’aanka Golaha Wakiilladu Kalfadhiga 45-aad fadhigiisa 23-aad ee 10.12.2019 xasaannadii xubinnimo kaga qaaday Xildhibaan hore Cabdixakiim Maxamed Axmed ( Dhoobo)

MARKAY ARKEEN: Lifaaqa 4-aad ee Dastuurka dowlad Goboleedka Puntland

MARKAY ARKEEN: Qoraalka ku taariikhaysan 20.12.2020 ee Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam oo ah saxiixaha xubintaas uu Golaha Wakiillada u soo gudbiyey in Cali Cabdiwaaxid Xuseen uu buuxiyo xubintii uu baneeyey Xildhibaan hore Cabdixakiim Maxamed Axmed ( Dhoobo).

MARKAY HUBIYEEN: In Cali Cabdiwaaxid Xuseen uu buuxiyey shuruudihii xubinnimada Golaha Wakiillada Puntland ee ku xusan Qodobka 61-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Ugu dambeyntii, Cali Cabdiwaaxid Xuseen ayaa Golaha ka hor-jeediyey taariikh nololeedkiisii, iyadda oo loo dhaariyey ka mid noqoshada Xubinnimada Golaha Wakiillada DPL, si uu u buuxiyo Xubinnimadii uu banneeyey Xildhibaan hore Cabdixakiim Maxamed Axmed ( Dhoobo).

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media