Maxkmadda G/Banaadirt  oo Xukun ku ridday Ajaanib  Soomaaliya si sharci darro ah uga Kalluumaysanayay

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Xukun ku ridday Ajaanib lasoo qabtay Xili ay Xeebaah Soomaaliya ka wadeen kaluumaysi sharci darro ah.

Eedeysanayaashaan Ajaanibta ah ayaa waxaa tiradoodu ay gaaraysaa ilaa iyo 36 ruux,kuwaasi oo siyaabo kala duwan loo soo qabtay.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay inay bixiyaan midkiiba lacag 11 kun oo dollar oo ganaax ah, 30 kun oo dollar oo magdhow kalluunkii ay Soomaaliya ka qaateen ah, doomahii iyo qalabkii kalluumeysi ee saarnaa iyo sidoo kale kalluuunkii lagu qabtay.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor