Maxkamadda Qaahira oo sii daysay Haweeney haysata Dhalashada Maraykanka oo lagu eedeeyey Is-xambaarka

Dadka la sii daayey, waxaa ku jirtay Haweeney haysata dhalashadda Maraykanka iyo Saygeeda, kuwaasi oo ku-dhawaad 3 sanno xabsiga ku jiray.

Aya Xijaasi oo asal ahaan Masaari ah balse haysata Dhaashadda Maraykanka waxay madax ka ahayd Hay’ad NGO ah oo u qaabilsan Daryeelka Ciyaalka derbi-jiifka ee ku nool magalladda Qaahira.

Markii Xabsiga laga sii daayey waxay sheegtay inay bilabi doonto Hawlihii ay ugu adeegi jirtey Ciyaalka Derbi-jiifka, waxayna xustay inaysan jiri doonin carruur aan haysanin meel uu ku hoydo..

Aya Xijaasi iyo Ninkeeda waxaa la xiray bishii May ee sannadkii 2014-kii, iyagoo lagu eedeeyey inay sameeyeen Koox dadka Thriibisa iyo inay Carruurta u adeegsdaan inay carqaladeeyaan Deganaanshaha Nabadda.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media