Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo dil Toogasho ah ku fulisay Askar

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay labo Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Dowladda, kuwaasi oo horay sida maxkamaddu sheegtay dilal bareer ah u kala gaystay labo qof oo shaacb ahaa.

Cabdiraxmaan Cali Xasan Sugow iyo Yaasiin Maxamed Aadan ayaa  lagu Oofiyay Xad Qasaas ah oo ay hore ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada, maxaana toogashadu ay ka dhacday magaalada baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.

Labada Askari ayaa ka kala tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo NISA, waxaana maxkmaddu sheegtay inay si bareer ah u dileen Marxuumiinta kala ah Aadan isaaq iyo Maxamed Xasan Maxamed Weydhaan.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor