Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka hadlay geeridii ku timid Madaxweynihii hore ee Puntland oo xalay ku geeriyooday Dalka Kenya.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa tacsi loogu diray Eheladii qaraabadii iyo Shacabka iyo Maamulka Puntland geerida ku timid Allah ha u Naxariistee Madaxweynahii hore ee Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi.
Sidoo kale Qoraalka Jubbaland ayaa waxaa uu sheegay in Marxuumka uu kaalin mug leh ka soo qaatay aas-aaska Dowlad Goboleedka Puntland, isaga oo noqday Madaxweynihii 2-aad iyo sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyey ee hoggaamiya dowlad-goboleedkaasi.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sigaar ah tacsi ugu diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi oo xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.
Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Axmed Madoobe.