Maxkamada darajada 1aad ee Puntland oo Xukunno dil ah ku ridday Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada qalabka Sida ee shanta Gobol iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa ugu danbeyn maanta dil toogasho ah ku xukuntey 4 kamid ah dagaalamayaaash Alshabaab.

Xubnahaan la Xukumay ayay Maxkmaddu sheegtay in ay ahaayeen Shabakaddi dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ka geysan jirey magaalada Boosaaso, ee Xarunta Gobolka Bari.

Afarta Eedaysane ee Xukunka lagu riday Maanta ayaa Magacyadoodu kala yihiin:

Jaamac aadan tusbaxle

Ayuub Cumar shire

Abdulahi salaad boos

Maxamuud abshir muuse

Soo qabashada Xubnaha Maanta Xukunka lagu riday ayaa waxaa iska kaashaday  Ciidanka police,ka Gobalka bari iyo Ciidanka PISF ee uu xukumo General aamiin Xaaji khayre.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor