Ra’iisul Wasaaraha XFS ee shaqada ka sii tagaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada, kaas oo dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha Golaha Wasiirrada ugu mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee ay ula soo shaqeeyeen, isagoo kula dardaarmay sii wadista howlaha qaranka iyo gacan siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban iyo dowladda cusub.
Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaraha Xilka kasii degaya ee Soomaaliya, ayaa dhawaan Xafiiska bannayn doono, waxaana la filayaa in si toos ah uu Xilka ula wareeggo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee la magacaabay Xamse Cabdi Barre.