Waxaa dib loo dhigay Dacwadda loo haysto 7 qof oo Somali ah oo lagu eedeynayo inay Xarakadda Alshabaab ka taageereen Qaraxyaddii ka dhacay Kampala bishii July 11-dii ee sannadkii 2010-kii.
Agaasimaha Xeer-ilaalinta Guud ee dalka Uganda ayaa magacaabay Xeer-ilaaliyaha cusub ee Dowladda ee lagu wareejinayo qaadisat Dacwadaasi oo sannooyin badan soo socotay.
Eedeysanayaasha ayaa shalay ka soo hor muuqday Maxkamadda Sare ee dalkaasi, waxaana loo sheegay inaan la dhegeysan doonin Dacwadooda, iyadoo Faylka Kiiskooda lagu wareejiyey Xeer-ilaaliye cusub, kaasi oo aan weli dib u eegis ku samaynin Kiiskooda.
Xeer-ilaaliyaha cusub ee Dowladda Uganda, John Baptist Asiimwe ayaa ka hor sheegay Maxkamadda inay ku qaadan doonto muddo 15 malmood si uu u darso Dukumentiyadda muhiimka sida uu Sharciga oggol yahay.
Wargeyska The Daily Monitor ayaa qoray in Eedeysanayaasha dib loo dhigay Dhegeysiga Dacwadooda lagu kala magacaabo:-
- Mohamed Abdulkadir Hirsi, oo lagu naanayso Mohamed Abdul Aziz Adan,.
- Abdi Abdullahi Bootan,
- Hassan Abduwali Mohamoud,
- Mohamed Ahmed Gele,
- Abdi Ali,
- Abdul Kadir
- Mohamad Yusuf Farah.
Dhinaca kale, Dacwadaasi ayaa la filayaa in dib loo dhegeysto bisha Janaayo 30-da ee sannadka soo socda ee 2017-ka.
©Radio Dalsan