Wararka naga soo gaarayo Degmadda Mahadaay ee Gobalka Sh/dhexe waxay sheegayaan inay Dagaalamayaasha Alshabaab xalay weerar qorsheysan ku galeen gudaha Degmadaasi, waxayna dagaal kooban la galeen Ciiddankii Dowladda ee ku sugnaa Xarunta Degmadaasi.
Ugu yaraan 3 qof ayaa la sheegay in lagu dilay Iska-horimaadkaasi, iyadoo Ciiddanka Dowladda la sheegay inay dib uga gurteen gudaha Mahadaay.
G/xigeenka Amiga iyo Siyaasadda ee Mahadaay, C/lle Xuseen Maxamuud oo la hadlay Radio Dalsan ayaa xaqiijiyey inay Alshabaab soo weerareen Alshabaab, balse waxa uu beeniyey inay gudaha u soo galeen.
Mar uu ka hadlayey Khasaaraha Dagaalka, waxa uu tilmaamay in 2 Askari oo ka tirsan Milliteriga Dowl2lagu dilay iska horimaadkaasi
Dhinaca kale, qaar ka mid ah Dadka Deegaanka oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab dhowr saacadood ku sugnaayeen gudaha Degmadaasi, ka hor intaysan iskooda uga bixin Waaberigii hore ee saakayto (Xilliga Salaadda Subax).
Xaalladda Mahadaay ayaa deggan, iyadoo Ciiddanka Dowladda haatan ku sugan yihiin gudaha iyo daafaha Deegaankaasi.
©Radio Dalsan