Maxkamad Dastuuri ah oo burisay xeer Muslimiinta takoorayey

Maxkamadda dastuuriga ah ee dalka Austria ayaa burisay xeer caruurta dugsiyada hoose dhigata ka mamnuucayey in ay madaxa ku xirtaan dhar muujinaya astaan diineed oo gaar ah.

Waxaanay maxkamaddu sheegtay in xeerkani toos u beegsanayo xijaabka, xad gudubna ku yahay xuquuqda xorriyada diinta.

Xeerkan waxaa la soo saaray markii ay dalka taladiisa haysay xukuumaddii wadaagga ahayd ee hore oo ay isbahaysi ku ahaayeen xisbiga Shacabka ee muxaafidka ah iyo xisbiga Xorriyadda ee midigta fog ee xag jirka ah.

Waxay maxkamaddu sheegtay in xeerkani keenayo in la takooro hablaha Muslimiinta ah.

Sidoo kale waxay maxkamaddu ganafka ku dhufatay oo diiday doodda ah in xeerkaasi ka ilaalinayo hablaha Muslimiinta ah culays bulsho iyo in ay ardayda ay wax wada dhigtaa takooraan, waxaanay sheegtay in xeerkaasi dad aan eed lahayn ciqaabayo.

Waxay sheegtay hadii arintaasi lagama maarmaan noqoto, waxa waajib ka saaran yahay dawladda in ay dejiso xeerar ka hor tagaya in qofka lagu takooro jinsigigiisa ama diintiisa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media