Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa Caawa waxaa ka dhacday doorashada kursi kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad dowladd ee ku harsan Hirshabeelle.
Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP141 ayaa waxaa ku tartami lahaa Musharaxiinta kala ah Cabdullaahi Nuur Maxamed iyo Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyay kursiga, balse inta aysan bilaaban ayuu tanaasulay Cabdullaahi.
Ergada doorashada kursiga ayaa qaab gacan taag ah ugu coddeeyay Maxamed Abuukar Islow oo mar kale loo doortay kursiga Golaha Shacabka HOP141, sida shaaciyeen Guddiga doorashada Maamulka Hirshabeelle.
Guddiga doorashada ayaa sheegay in inta aysan bilaaban doorashada uu tartanka ka haray Musharax Cabdullaahi Nuur Maxamed, sidaasina gacan taag loogu doortay Maxamed Abuukar Islow oo ahaa Wasiirkii hore ee amniga Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.
Maamulka Hirshabeelle ayaan weli dhammeynin doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana waxaa ku harsan haatan hal kursi oo ay ka geeriyootay Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi.