Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shir guddoominaya Kulanka Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin Waxqabadka dowladda iyo Safarkii uu ku tegay Magalada Marka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Magalada Marka dhalinyarada ku sugan ee mudada faraha badan dushooda lagu dagaalamayay aysan xilligaan heysan Goobo ay wax ku bartaan,isla markaana muhiim ay tahay in laga hirgeliyo.
Isaga ii faah faahinayay booqashadii uu ku tegay Magaalada Marka ayuu Golaha wasiirada Soomaaliya u soo bandhigay baahiyaha Guud iyo kuwa gaarka ah ay qabaan Shacabka ku nool Magalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dadka Marka ay u baahan yihiin inay helaan cadaalad,waxana Wasiirada Cadaaladda Iyo Amniga uu faray Madaxweeynaha in Magaalada Marka ay tagaan kana hirgaliyaan Maxkamad garsoor.