Maxaa looga hadlayaa Shirka Madasha Heritage ee Maanta ka furmay Jabuuti?

Shirka Madasha Aragti Wadaagga ee Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa maanta ka furmay magaalada Jabuuti. Madashan oo ah tii 6aad oo Machadka qabto ayaa ku soo aaday 10 guurada ka soo wareegatay aas-aaska Machadka Heritage.

Mowduuca Madasha ee sanadkan ayaa ah is bedelada Cimilada iyo colaadaha Geeska Afrikax waxaa shirka furay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya iyo Wasiirka Bey’adda Jabuuti.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Shirka Madasha Aragti Wadaagga ee Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ay soo xiri doona Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Soomaaliya xasan Sheekh Maxamuud

Waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka socota dowladdda Federaalka Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada, dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Gobolka Waqooyi Bari iyo aqoonyahano iyo ururada bulshada oo ka kala yimid dalka dibaddiisa iyo deegaanada Geeska Afrika.

About Webmaster

View all posts by Webmaster
%d bloggers like this: