Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay amniga dalka iyo howlgallada lagula dagaalamayo Al-Shabaab ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka.
Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu bogaadiyey guulaha ciidamada amniga iyo kuwa xoogga dalka ay ka gaareen dagaalka dalka.
Sidoo kale, golaha ayaa ka dhageystay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha warbixin sanadeedka-2023 guulihii laga gaaray Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka.