• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Maxaa loo cusbooneysiiyay cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya?

Dalsan Editor by Dalsan Editor
November 16, 2018
in Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 6 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Waddamada Soomaaliya iyo Eritrea oo ku wada yaalla gobolka geeska Afrika ayaa waxaa saarneyd cunaqabateyn dhanka hubka ah hase ahaatee, Qaramada Midoobay ayaa dhawaan cod aqlabiyad leh cunaqabatentaas uga dul qaadday Eritrea halka ay tii Soomaaliya saarneydna mar kale cusbooneysiisay, waxaana su’aalo badan la iska weydiinayaa sababta loo kala qaaday labada dal.

Soomaaliya ayaa ka mid ahayd dalalkii u ol’oleynayay in xayiraadaha hubka, dhaqaalaha iyo safarradaba laga qaado Erirtea.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa soo jeediyay in la soo af jaro xayiraaddaas oo Eritrea saarneyd muddo 9 sano ah, ka dib markii xal laga gaaray colaaddii u dhaxeysay Itoobiya iyo Eritrea.

Horay waxaa dowladda Eritrea xayiraaddaas loogu soo rogay ka dib markii lagu eedeeyay iney taageero siiso ururro hubeysan oo Soomaaliya ka dagaallama.

Haddaba maxaa sababay in Soomaaliya oo dagaal xooggan kula jirta Al shabaab lagu sii cusbooneysiiyo cunaqabateynta hubka.

Maxamed Nuur Caalin oo ah khabiir ka faallooda arrimaha gobolka ayaa BBC-da uga warramay waxa keenay in golaha ammaanka ay go’aanno kala duwan ka qaataan Eritrea iyo Soomaaliya.

“Haddii aan taariikhda dib u eegno, Eritrea waxaa xayiraaddaas sannadkii 2009-kii loo saaray cabsi laga qabo awgeed, ka dib markii ay dagaal la gashay waddamo ku yaalla gobolka iyo in looga shakiyay iney ku xad gudubtay xayiraadda hubka ee soomaaliya. Laakiin Soomaaliya waxaa xayiraadda sannadkii 1992-kii loo saaray dagaallada sokeeye awgood. Sababta ugu weyn ee Soomaaliya looga qaadi la’yahay waa in dowladda aysan wali oggolaanin iney wada shaqeyn dhex marto iyada iyo guddiga kormeerka ee loo yaqaanno Monitoring Group. lama oga meelaha uu hubka u yaallo dowladda Soomaaliya iyo waddamada hubka siiya, xal looma hayo suuqyada hubka lagu iibiyo ee Soomaaliya, lamana xakameyn karo kooxha hubeysan sida burcad badeedda iyo Al Shabaab. Marka Soomaaliya caqabadahaas badan ee heysta awgood ayaan xilligan sahleynin in cunaqabateyntaas laga dul qaado”, ayuu yiri Caalin.

Marxaladihii ay soo martay cuqabateynta Hubka ee Soomaaliya

Bishii Janaayo ee sannadkii 1992-kii ayaa ayaa markii ugu horreysay qaraar ka soo baxay golaha amaanka oo uu tirsigiisu ahaa 733 cunaqabateynta hubka lagu saaray Soomaaliya, xilligaasoo ahayd 1 sano ka dib markii ay burburtay dowladdii dhexe.

-Bishii Juun ee sannadkii 2001-dii, qaraar uu tirsigiisu ahaa 1356 oo ka soo baxay golaha amaanka ayaa dib u eegis loogu sameeyay xayiraadda hubka ee Soomaaliya, waxaana laga soo reebay hubka qaar iyo qalabka milatariga oo cayiman, si loogu adeegsado howlaha la xiriira bani’aadanimada.

-Bishii Luulyo ee sannadkii 2002-dii, qaraar uu tirsigiisu ahaa 1425 oo ka soo baxay golaha ammaanka ayaa lagu kala caddeeyay hubka laga mamnuucay Soomaaliya waxaana lagu qeexay in cunaqabateynta ay ka mid tahay mamnuucitaanka ka ganacsiga hubka.

-Bishii Diseembar ee sannadkii 2006-dii, qaraar uu tirsigiisu ahaa 1725 oo ka soo baxay golaha amaanka ayaa xayiraaddii hubka looga qaaday Soomaaliya. Qaraarkaas ayaa u oggolaaday urur goboleedka IGAD iyo midowga Africa iney faragalin ku sameeyaan xaaladda Soomaaliya ayna ciidamo ka socda waddamada gobolka geeyaan si ay gacan u siiyaan dowladda Soomaaliya ee taageerada ka heysata Qaramada Midoobay isla markaana ay ka soo hor jeedeen kooxaha hubeysan.

-Bishii Febraayo ee sannadkii 2007-dii, qaraar uu tirsigiisu ahaa 1744 oo ka soo baxay golaha amaanka ayaa lagu xaddiday cunaqabateynta oo gaar looga dhigay dhinacyada aan dowladda ahayn ee Soomaaliya ka dagaallama. Waxaa qaraarkaas lagu oggolaaday in Soomaaliya la geyn karo hub iyo saanad milatari oo looga gol leeyahay in lagu garab istaago dowladda Soomaaliya.

-Bishii Nofeembar ee sannadkii 2008-dii, qaraar uu tirsigiisu ahaa 1844 ayaa wax looga baddalay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya waxaana lagu bartilmaameedsaday cid walba oo ku xad gudubta xakameynta hubka.

-Bishii Diseembar ee sannadkii 2009-kii, qaramada Midoobay ayaa cunaqabateynta dhinaca hubka ku soo rogtay dowladda Eritrea, ka dib markii lagu eedeeyay iney ku xad gudubtay xayiraadda hubka ee saarneyd Soomaaliya.

-Bishii Maarso ee sannadkii 2013-kii, qaraar uu tirsigiisu ahaa 2093 oo ka soo baxay golaha amaanka ayaa wax looga baddalay cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo hababka loo isticmaalo waxyaabaha la xiriira saanadda milatariga ee la siiyo dowladda Soomaaliya, waxaana lagu sii xoojiyay cunaqabateynta ka dhanka ah dhinacyada aan dowladda ahayn.

In muddo ahba dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u xusul duubeysa in gabi ahaanba lagu dul qaado xayiraadda hubka, si ay cudud ugu hesho la dagaallanka Al Shabaab.

Balse Qaramada Midoobay ayaa ku adkeysatay in haddii Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta uu hubka noqon karo mid faraha ka baxa ama gacanta u gala dhinacyo aan ku habbooneyn.

Qaraarkan ugu dambeeyay ee ay golaha amaanka bishan ku cusbooneysiiyeen cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku xad gudubtay xayiraaddii lagu sameeyay hubka ayna ka tallaabsatay hubka loogu tala galay in ey isticmaasho.

BBC SOMALI

Previous Post

Dhageyo:Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan

Next Post

Sawirro:-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Dhiggiisa Kenya

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
Next Post

Sawirro:-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Dhiggiisa Kenya

Somali Delegation Joins High-Level Housing Summit in Algeria

Somali Delegation Joins High-Level Housing Summit in Algeria

by Liban
July 17, 2025
0

Algiers, Algeria  – A high-level delegation from the Federal Government of Somalia, led by the State Minister for Public Works,...

Bilan Media Offers $1,000 Reporting Grant for Somali Women Journalists

Bilan Media Offers $1,000 Reporting Grant for Somali Women Journalists

by Liban
July 17, 2025
0

Mogadishu — Bilan Media, Somalia’s first and only all-women newsroom, is offering Somali women journalists the chance to win $1,000 for...

Somalia’s Finance Minister Honored with Prestigious Award for Excellence in Africa

Somalia’s Finance Minister Honored with Prestigious Award for Excellence in Africa

by Liban
July 17, 2025
0

MOGADISHU – In a grand ceremony held last night in Mogadishu, the Somali Bankers Association honored the Federal Government of Somalia’s...

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa ku dhawaaqday inay xireen 82 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsan...

Somali Delegation Joins High-Level Housing Summit in Algeria
English News

Somali Delegation Joins High-Level Housing Summit in Algeria

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Bilan Media Offers $1,000 Reporting Grant for Somali Women Journalists
English News

Bilan Media Offers $1,000 Reporting Grant for Somali Women Journalists

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Finance Minister Honored with Prestigious Award for Excellence in Africa
English News

Somalia’s Finance Minister Honored with Prestigious Award for Excellence in Africa

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
English News

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somali Delegation Joins High-Level Housing Summit in Algeria
  • Bilan Media Offers $1,000 Reporting Grant for Somali Women Journalists
  • Somalia’s Finance Minister Honored with Prestigious Award for Excellence in Africa
  • Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00