Xafiiska dambi baarista mareykanka ee loo soo gaabiyo FBI ayaa sheegay ka dib baaris muddo dheer socotay in Samwel Lital uu qirtay dilka 93 qof , taas oo ka dhigan in uu yahay dhiig yacabkii ugu weeynaa taariikhda dalka Mareykanka.
Galka Baarista ninkaan dambiilaha ah ayaa socday laga soo billaabo sanadkii 1970-kii illaa 2005-tii , walina waa uu socdaa baarista kiiskiisa oo ma dhammaan.
Ninkan oo 70 sanno jir ah ayaa sanadkii 2012kii lagu xukumay Xabsi daa’in inta noloshiisa ka dhimman uu ku qaadan doono Xabsi ku yaala dalka Mareykanka , isaga oo lagu soo eedeeyay dilka 3ddex haween ah
Mas’uuliyiinta FBI ayaa sheegay in ninkaan uu beegsan jiray haweenka Masaakiinta ah iyo kuwa Mukhaaddaraadka isticmaala ee Madowga ah.
Ninkan oo feer yahan hore ahaa ayaa la sheegay in feer xooggan uu ku dhufan jiray qofka uu doonayo in uu ka takhaluso ka dibna ceejo ayuu ugu dari jiray illaa ay nafta ka baxdo qofka.
Saraakiisha caafimaadka FBI ayaa sheegay in marnaba aan lagu baraarugin dilalka haweenkaasi , waxaana loo heestay in Mukhaadaraad ay u dhinteen iyada oo illaa imminka la la’yahay meeydka qaar ka mid ah ah haweenkaasi la rummeeysan yahay in ninkaan uu u dhammeeyay ama dilay.
Ninkaan ayaa aaminsanaa in marnaba aan la ogaan doonin dambiyada uu geeysanayo , isaga oo iska dhaadhiciyay in aysan jiri Karin cid ogaata .
Hadda waxaa soconaya baarista dhowr kiis oo kale oo dhammaantoo dil ah , kuwaas oo tira ahaan lagu sheegay 43 qof.
Police waxa ay heleen macluumaad caddeynaya in ninkaan uu ka dambeeyay dhammaan eedeeymaha loo heeysto ee dilka 93 qof ah.
Dadka uu dilay waxaa ka mid ah gabar 19 jir ahayd oo uu ku dhex dilay beer qasabka lagu beero halkaasna uu ku qariyay meydkeeda
Sanaddii 1993kii ayuu sidoo kale ceejo ku dilay haweeneey uu ku dhex qabsaday qol ku yaala hotel caan ka ah magaalda Las-Vagas ee dalka Mareykanka.
Ninkaan ayaa gacanta lagu soo dhigat sanadkii 2012kii , kadib baaris muddo dheer qaadatay oo la xiriirtay eedeeymo ay ka mid yihiin Kufsi, Boob iyo dil oo uu ka geeystay Gobollo badan oo dalka Mareykanka ah .