Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dalbaday in Magaalada Dhuusamareeb laga saaro Ciidanka Booliska Dowladda ee Haramcad oo halkaas kal hore la geeyay.
Maanta oo Arbaco ah ayaa waxaa la filayaa in ku dhawaad 200 oo Askari oo Booliska Haramcad ah laga soo daad-gureyo Magaalada Dhuusamareeb, iyagoo dib loogu celinayo Muqdisho oo xiligii Doorashada Madaxweynaha Galmudug laga qaaday.
Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor ayaa u sheegay in Ciidanka Haramcad ay yihiin kuwo ka amar qaata Xukuumadda Soomaaliya oo aysan hoos imaan Galmudug, sidaas darteedna aysan laga saaro Caasimadda Galmudug.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa maalinta Berri oo Khamiis ah ka furmaya Shirka Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka, kaasi oo looga hadli doono Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qodobo kale.