Maxaa ka jira inuu is Casilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle?

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegayay in Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle uu xilka iska Casilay, hayeeshee waxaa Warkaas ka hadlay Guddoomiye Cismaan Barre.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa uu ku sheegay in wararka la faafiyay ay yihiin kuwo been abuur ah, isla markaana aysan jirin inuu xilka iska Casilay.

Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre ayaa dadka faafinaya wararka aan jirin uga digay inay ka waantoowan arrintaas oo lagu doonayo in shacabka  Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Hirshabeelle lagu Jahwareeriyo.

“Waxaan halkaan ka xaqiijinayaa in warka baraha bulshada lagu daabacay ee shegaya is casilaada uu yahay war been abuur ah” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre.

Si kastaba dhowr jeer ayaa waxaa baraha bulshada ku xiriirto gaar ahaan Facebook lagu daabacay Warar lagu sheegayo inuu is casilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre, isagoona Guddoomiyaha beeniyay wararkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media