Maxaa ka jira in xilalkii laga qaaday Qaar kamid ah Taliyaasha Saldhigyada Booliska gobolka Banaadir?

Warar Caawa soo baxay ayaa waxa ay sheegayaan in Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas BashiiR Cabdi Maxamed uu xilalkii ka qaaday qaaday Qaar kamid ah Taliyaasha Saldhigyada Booliska gobolka Banaadir.

Taliyaasha xilalka laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah taliyahii saldhigga degmada Kaxda, Waaberi, Warta Nabada, Xamar-jajab, Heliwaa, Shibis iyo Dharkeyley.

Isbedelada lagu sameeyey Qaar kamid ah Taliyaasha Saldhigyada Booliska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay dardar gelinta howlaha Amniga Caasimadda dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor