Waxaa soo baxaya warar sheegaya in xalay saqdii dhexe duqeyn ay ka dhacday deegaan duleedka ka ah degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe oo ay maamulaan Al-Shabaab.
Dad ku sugan Balcad ayaa waxa ay sheegeen in xalay abaarihii 12:00 saq dhexe ay deegaanka Basra ka maqleen jug xoogan oo loo maleynayo inay tahay duqeyn lala beegsaday saldghigyo Al-Shabaab.
Hayeeshee waxaan weli la kala cadeyn in duqeyntaas ay tahay mid madaafiic ah iyo mid cirka ah,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in goobaha la duqeeyey ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Deegaanka Basra dhinaca koonfureed ee degmada Balcad agaa waxaa ku sugan Al-Shabaab kuwaas oo mararka qaar weerar jidgal ah ka fuliya wadada u dhaxeysa magalada Jowhar iyo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Maamulka degmada Balcad iyo taliska ciidanka millateriga Soomaaliya weli kama hadlin,waxaana dadka ku sugan deegaanka Basra ay sheegayaan in xaalad cabsi ah ay soo wajahday.