Warar ay heshay Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaaradii ay laheyd Shirkadda Ethiopian Airlines ee Maanta ku bur burtay duleedka Magaalada Adib Ababa dadkii saarnaa ee ku geeriyooday uu kamid noqday Mas’uul ka tirsanaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.
Allaha u Naxariistee Mas’uul ka tirsanaa Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Shakuur Shahaad,kaasi oo kamid ahaa sida la sheegay dadkii saarnaa Diyaaradii Maanta burburtay.
Diyaarada bur burtay oo nooceedu ahaa Boeing 737 kuna sii jeeday Magaalada Nairobi ayaa la sheegay inay la socdeen 147 Rakaab oo ka soo kala jeeda 33-Waddan iyo 8 kamid ah Shaqaalaha la socday Diyaarada.