Shirkadda Ethiopian Airlines waxay xaqiijisay inay wada geeriyoodeen dhammaan rakaabka iyo shaqaalahii saarnaa Diyaaraddii saakayto ku burburtay nawaaxiga Degmadda Bishoftu oo 47-Km dhanka K/bari kaga toosan magaaladda Addis Abeba.
Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Boeing 737 kuna sii jeeday Magaaladda Nairobi ayaa la sheegay inay la socdeen Rakaab ka soo kala jeeda 34-Waddan iyo qof oo watay Baasaboorka UN-ka oo aan weli la sheegin dalka uu ka soo jeedo.
Sidoo kale waxaa la shaaciyay tiradda iyo dalalka ay u kala dhasheen rakaabkii saarnaa diyaarada bur burtay,isla markaana ay ku geeriyoodeen ilaa iyo 157 qof.
Hoos ka Akhriso Dalalka ay u dhasheen dadka geeriyooday.
8 Ameerikaan
7 Faransiis
7 Ingiriis
6 Masaari
5 Jarmal ah
1 baasaboor Qaramada Midoobay watay
4 Hindi
4 Slovakia
3 Australia
3 Ruush
3 Sweden
2 Spain
1 Sucuudiga
1 Somalia
1 Serbia
1 Nepal
1 Nigeria
2 Morokaan
2 Israaiiliyiin
1 Biljim
1 Ugandhiis
1 Yemeni
1 Sudaniis
1 Togo
1 Muzambiik
1 Norway
2 Poland
32 Kenyan
18 Reer Canada
9 Itoobiyaan
8 Shiinees
8 Talyaani
1 Indonesia
1 Ireland
1 Rwanda