Kadib markii shalay Magaalada Muqdisho kulan uu ku dhexmaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka,kaasi oo looga hadlayay ballaarinta Sohdimaha ay Caasimaddu leedahay.
Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay baahida loo qabo in Caasimaddu ay sii ballaarato, maadaama xiligaan ay ku nool yihiin tiro aad uga badan waqtiyadii hore, isagoo xusay in bulshada Caasimaddu ay tallo ahaan u soo jeediyeen in la gaarsiiyo labada Wabi ee Balcad iyo Afgooye.
Afhayeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Ciro oo Maanta Warbaahinta Shir jaraa’id ugu qabtay Muqdisho ayaa marka ugu horeysa ka hadlay kulan dhexmaray Madax ugu sareeysa Hirshabeelle iyo guddiga Aqalka Sare ee kasoo tala bixinta khilaafaadka maamulkaasi.
Waxaa uu sheegay Afhayeenka in hadal kasoo yeeray Maamulka Gobolka Banaadir uu dhaawacayo Dastuurka dowlada Goboleedka Hirshabeell,kaasi oo ah in Degmada balcad lagu daro Caasimada Muqdisho.
Afhayeenka Madaxtooyadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Ciro ayaa sheegay in Hirshabelle ay dhibaato ku tahay in degmada balcad lagu daro Caasimadda muqdisho,isagoona tilmaamay in guddiga aqalka sare ee kasoo tala bixinta khilaafadka maamulkaasi ay u gudbiyeen arrinkaan.
Hoos Ka Dhageyso codka Afhayeenka Maamulka Hir-Shabeelle.