Nin ku hubeysnaa toorey (Mindi) ayaa waxa uu Deegaanka Qori Lugud ee Soomaaliland ku dilay Isuduwihii Wasaaradda howlaha guud iyo Dhulka ee Soomaaliland.
Isu duwaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Eng.Axmed Cawil Daryeel,kaasi oo la sheegay in uu dilay nin watay Mindi,isla markaana uu goobta ka baxsaday.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in xiliga dilka uu dhacayay Eng.Axmed Cawil uu ku sugnaa Dhul ku yaalla Deegaanka Qori Lugud halkaasi oo uu ka waday howlo Shaqo.
Waxaa la sheegay in Ninka ka dambeeyay dilka Eng.Axmed Cawil Daryeel uu ku dacwoonayo in Eng-ka uu ku soo sikiyay dhul uu qodayay,isla markaana uu khilaaf soo kala dhexgalay,sidaasna uu dilku ku dhacay.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Soomaaliland oo kun aadan dilka loo geystay Isu duwihii Wasaaradda howlaha guud iyo Dhulka ee Soomaaliland.