Wixii ka dambeeyey dagaal kii koowaad iyo kii labaad waxa ay dunidu ku baraarugtay qatar weyn oo loogu magac daray maskax haajir (Brain drain), oo ah in dalalkii dagaaladu saameeyeen ay ka haajireen dadkii dalkaas wax u bartay, kuwaas oo xirfadihii ay dalkooda iyo dadkooda ugu shaqeyn lahaayeen la aaday wadamadii ay u guureen.
Wixii intaas ka dambeeyey waxaa jiray u kuur gal gaar ah iyo cilmi baarisyo arrintaas la xariira oo si joogto ah loo sameyn jiray, waxaana si gaar ah isha loogu haayey maskax qulqulka ku socda Wadamada hormar ahaan iyo nabad ahaan hooseeya. Waxey cilma barisyada qaar sheegayaan in 1960 kii ilaa 2010 ay wadamada hormaray ay usoo haajireen dad gaaraya 214 million, kuwaas oo soo banneeyey dalalkoodi iyagoo weliba xambaarsan maskax, aqoon iyo xirfado gaar ah oo ay lacago ku bixiyen dowladahoodii, ayna ubaahnaayeen shucuubtoodii.
Wixii intaas ka dambeeyey way sii kordheysay tirada Maskax qulqul ku, waxeyna sheegtay hay’adda muhaajiriinta adduun ka ee IOM in sanad kii 2019 keliya wadamada Carbeed ay ka haajireen 24 kun oo dhaqtar, 17 kun Enginer iyo 75 kun oo ku takhasusay cilmiga sayniska.
Wadamada cilladaan la daala dhacaya waxaa hoggaaminaya bariga dhexe, Aasiyada fog iyo wadamada saxaraha ka hooseeya oo ay ku jirto Soomaaliya. Sida arrintaan dowladaha kala duwan ay u saameysay, waxaa lagu cabiraa halka dalkaas ku yaallo, luuqaddiisa, tirada guud ee dadkiisa iyo tirada uu ku leeyahay muhaajiriinta dunida kale aaday.
Haddaba waxyaabaha dalkeena inuu markale cagahiisa ku istaago rejadeeda sii fogeynaya waxaa ugu weyn tirada maskax iyo caqli dibadda nooga haajirtay misana aan rejo dhaw laga qabin iney soo noqdaan, haddaan loo helin siyaasad lagu maareeyo iyo wacyi ku filan oo soo celiya.
Haddii dalkeena oo dadkiisuba yaryihiin ay tirada ugu badan dibadda nooga maqantahay, meeqa ayey la ekaan karaan dadka leh aqoonta maanta dalkeenna iyo dadkeennu la nuuxsan la’yihiin sida takhaatiirta, sharciyaqaanada, Enginerada, barayaasha iyo xirfadlayaasha kala duwan ee dibadda nooga maqan.
Inagoo intaas dunida la wadaagna misana inaga waxaa innoo dheer maskax guur gudaha ah, kaas oo ah in intii dalka joogtay intii ugu kartida rooneed iney hay’adaha sida UN ku shaqeeleysteen, waayo iyagaa ah cidda keliya ee awoodda mushaarkooda.
Dowladdeenna, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo xarumaha waxbarashadu ma bixin karaan mushaarka ay u qalmaan dadka kartida iyo xirfadaha gaarka ah leh, sidaas darteed waxey tagaan hay’adaha, halkaas na waxaa ku baaqda xirfaddii iyo maskaxdii dadkaas iyagoo gudaha dalka jooga ay uga faa’iideyn lahaayeen ummaddooda.
Tani waa sababta ugu weyn ee dalku meelna uga dhaqaaqi la’yahay dhankasta, waxaana looga hortagi karaa keliya in la helo siyaasad dowladeed oo xooggan oo dadkaas lagu soo dabayo, loogana faa’iideysanayo in la dhaqan geliyo, sidoo kale wacyi iyo dareen ku dhex celiya goobaha bulshada.
Soomaaliya markii dowladdii burburtay, keliya nidaam kii meesha kama bixin, ee sidoo kale waxaa dalkii isaga haajiray intii ugu badneed intii aqoonta lahayd, waana sababta keentay in ay isku haraan Jamhadihii iyo danyartii magaaloyin ku.
Si aad meel dhaw uga aragto saameynta ay leedahay qatarta maskax qulqul ku, bal is weydii sababta magaalada Muqdisho iyo magaaloyin ka kale ee dalku u kala fog yihiin dhaqaale ahaan iyo nolol ahaan, sababtu waa in dad kii waxbartay ee magaaloyin kaas dagana dhooban yihiin Muqdisho iyo magaaloyin ka waaweyn ee la mid ka ah.
Waxaa Qoray: Maxamee Royal
Email: [email protected]