Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan ayaa ka hadlay dabkii xooganaa ee xalay ka kacay Suuqa weyn ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolkaas oo geystay khasaaro hantiyadeed.
Guddoomiye Cabdisamad Abwaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dabkii xalay ka kacay Suuqa uu ahaa mid xoogan, isla markaana demistiisa ay ku qaadatay muddo saddex saacadood ah oo xiriir ah.
Waxaa uu sheegay in sababta waqtig hore loo demin waayay dabka ay tahay in la waayay waddooyin ay soo maraan gadiidkii dab demiska ahaa ee dowladdaha Hoose iyo kuwa Shirkaddaha ay leeyihiin, maadaama waddooyinka dhexmara Suuqa ay yihiin kuwo ciriiri ah.
Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa Carabka ku dhuftay inay furi doonaan waddooyinka ku yaalla hareeraha Suuqa oo dhibaato ay ka jirto, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan in mar kale aysan dhicin dhibaatadii xalay ka dhacday Suuqa.
Isaga oo sii haayay Abwaanka ayuu tilmaamay in Maanta ay Go’aan soo saari doonaan, isla markaana waxaa uu shirkadaha bixiya adeega korontada ku eedeeyay inay qeyb ka yihiin dhibaatada oo ay isku dhex daadsan yihiin fiilooyinka korontada, ayna arrintaas kula xisaabtami doonaan.
Khasaaro hantiyadeed oo farabadan ayaa ka dhashay dabkii xalay ka kacay Suuqa weyn ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxaana dabka uu baabi’iyay Goobo ganacsi oo isugu jiray Carwooyin iyo dukaaman ku yaallay Suuqa.