• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, July 9, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Marwada Madaxweyne Joe Biden oo Billad Guddoonsiineysa Haweeney Soomaali ah

Dalsan Editor by Dalsan Editor
March 8, 2021
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 3 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Maama Sahra Maxamed Axmed oo aan Aqoon fiican u leeyahay Waxqabadkeeda waa Asaasaha iyo La-taliyaha Sharciga ee Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed (Somali Women Development Centre) (SWDC).

Waxay ku dhalatay magaalladda Muqdisho sanadkii 1952-kii.

AUN Aabaheeda waxa uu ahaa Askari ka tirsanaa Boliska Somalia,  waxayna isaga iyo AUN Xaaskiisa, Maama Zeynab ku dadaaleen wax-barida iyo tarbiyeynta carrurtooda oo ka kooban 5 Wiil iyo 2 Gabdhood, Maasha Allaah.

Maama Sahra Maxamed Axmed waxay sanadkii 2005-tii  ka qalin jebisay Jaamacadda Hamar University oo ku taallay KM 4. waxaana Hormuudka Jaamacadda Hamar University ahaa Prof. Admiral Faarax Cumar Axmed “Faarax Qare” .

Hadafkeeda ugu weyn ee Barashadda Shareecadda waxay ahayd inay noqoto Qareen difaaca Xuquuqda Haweenka (Advocacy of women’s rights).

Waxay aad u rumeysan tahay inay Diinteena Islaamka ku dhiiri-gelinayso inay sii wado Shaqadeeda, iyadoo Islaamku dhiiri-gelinayo in la caawiyo dadka saboolka, la badbaadiyo dadka baahiyaalka Gaarka qaba, laga difaaca Tacadiyada Kufsiga, Ka-hortaga Falal Dhaqameedka ee waxyeelladda leh iyo Dhismaha Nabadda iyo Ammaanka.

Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed (SWDC) waxay diiwaan gelisaa Tacadiyada Xuquuqda Aadanaha iyo Kiisaska Tacadiyada ee ka dhaca Goballadda Koonfurta iyo Bartamaha dalka.

SWDC waxay kaloo caawimaad u fidiyaan Dhibanayaasha,  iyagoo siiya Taageero dhinaca Sharciga, Qareen u dooda iyo inay u ololeeyaan dadka aadka ugu nugul ee Mujtamaca.

Maama Sahra Maxamed Axmed oo ah  Asaasaha iyo La-taliyaha Sharciga ee Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed ( SWDC) waxay Difaace Xuquuqda Aadanaha ka tahay mid ka mid ah Wadadamada ugu khatarsan Caalamka, iyadoo Somalia figta sare kaga jirto Qiimeynta Tusmada Dalalka Taagta daran ama burburay (The top of Fragile States Index).

Xaqiiq ahaan, Qoraal laguma soo koobi karo Waxqabadka Maama Sahra Maxamed Axmed ee U-Kaalmaynta iyo Daryeelka Hooyooyinka iyo Carruurta Somalia.

Waxay Shaqadeedii u horeysay ka bilowday Ururka Bulshada ee HINNA, oo Lacago kaalmo ah u ururiyey si loo furo Isbitaalo iyo Dugsiyo, iyo in Maleeshiyada Xilligii Dagaal-oogayaasha lagu baraarujinayey inay dhigaan Hubka, oo ay Qalinka qaataan.

Dadaalkeeda Waxqabad oo lagu caana-maalay waxay ugu dambayntii asaastay Xarunta Horumarinta Haweenka iyo Carruurta ee SWDC oo ay haatan ka tahay  La-taliye Sharci iyo Agaasime.

Si kastaba ha ahaatee, Maama Sahra Maxamed Axmed waxay guul u soo hoysay Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Haweenka iyo Carruurta, waxaana Caawa Marwada Madaxweynaha Maraykanka Jill Biden ay guddoonsiin doontaa Billadda Caalamiga ee Geesinimada Haweenka Soomaaliyeed “Somali’s International Women of Courage”  oo ay ku muteysatay Dhaqdhaqaaqa Nabadda iyo Difaacida Xuquuqda Aadanaha (Peace Activist and Human Rights Defender), iyadoona Biladda lasoo dhigi doono Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii, waxaa sharaf inoo ah inaan Maama Sahra Maxamed Axmed ku bogaadino Waxqabadka muuqda ee Halyeeynimada ee ay ugu adeegayso Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Haweenka iyo Carruurta ee lafdhabarka u ah Mujtamaca”.

Previous Post

Midowga Musharaxiinta oo Qoraal u diray Madaxda Ururo Caalami ah

Next Post

Al-Shabaab oo goob fagaare ah ku toogtay 5 ruux

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
Warar

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

July 9, 2025
Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
Warar

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

July 9, 2025
Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
Warar

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

July 9, 2025
Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho
Warar

Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

July 9, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed

July 9, 2025
SOMWA & FESOJ oo Qabtay Aqoon-is-weydaarsi :Xorriyadda Saxaafadda & Badbaadada Suxufiyiinta
Warar

SOMWA & FESOJ oo Qabtay Aqoon-is-weydaarsi :Xorriyadda Saxaafadda & Badbaadada Suxufiyiinta

July 9, 2025
Next Post

Al-Shabaab oo goob fagaare ah ku toogtay 5 ruux

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

by Ilhaan
July 9, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika, isagoo...

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

by Ilhaan
July 9, 2025
0

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan  Muuse Salaad Wehliye ayaa madax ka socotay dowlad deegaanka Soomaalida kala wareegay Saanad ciidan oo loogu tala...

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

by Ilhaan
July 9, 2025
0

Madaxweynaha dalka Comoros Mudane Azali Assoumani, ayaa warqadaha Aqoonsiga ah ka gudoomey Safiirka JFS ufadhiya Tanzania iyo EAC, oo sidoo...

President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

by Liban
July 9, 2025
0

The President of the Union of the Comoros, H.E. Azali Assoumani, has officially received the credentials of the Ambassador of...

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
Warar

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
Warar

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
Warar

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC
English News

President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
SOMWA, FESOJ Hold Workshop on Press Freedom and Journalist Protection in Somalia
English News

SOMWA, FESOJ Hold Workshop on Press Freedom and Journalist Protection in Somalia

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho
Warar

Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
  • Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
  • Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
  • President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00